Saed Salam February 19, 2024 No Comments

Inta aadan samayn nuxur(contemt) raac tillaabooyinkan | Content creation tips.

Haddii aad rabtid in aad samaysid muuqaal, cod ama qoraal nuxur leh waxaa jira tillaabooyin haddii aad fahantid, si dhab ahna u weeleysid kor u qaadi doona tayada bayaankaaga, kana dhigi doono mid nuxur leh oo miro dhal ah. Haddaba waa kuwan tillaabooyinka aan rabo in aad raacdid, si deggan u fariiso haddii xilli salaadda la joogo ama daal aad dareemeysid fadlan save gareyso oo xilli ku habboon si deggan u daawo.

  1. Clarity: Waxaad hubisaa in content-kaagu(nuxur) uu noqdo mid clear(cad) ah oo la fahmi karo, sidoo kale kooban adiga oo ka dheeraanaya in aad isticmaashid luuqad ama erayo fogeynaya Fahamka daawadaha, dhagaystaha, ama akhristaha.
  2. Relevance: Waxaad sameysaa content(nuxur) ku habboon dhagaystayaashaada(Target audience) oo xiiso galinaya, ama baahidooda daboolaya markaas. Waa in nuxurkaagu uu beegsado Pain point-kooda ama baahida ay u rabaan in ay u daawadaan.
  3. Value: Qiimo ku dar dhagestayaashaada, tixgali waqtigooda iyo caqligooda, sidoo kale niyadda gali in ay daawan doonaan dad kaa caqli badan, kaa aqoon iyo waayo aragnimo badan, kaana da’weyn. haddaba ha noqoto xogta aad gudbineysid mid tafatiran oo macluumaad nuxur leh xambaarsan waqtina aad soo galisay, sidoo kale u faa’iideynasa cidda daawaneysa, akhrisaneysa, ama dhageysanaysa nuxurkaaga markaas.
  4. Joogteyn: Ku dadaal joogteynta waana in ay jirtaa dun ka dhaxaysa nuxur walba ama content walba oo aad samaysid, (waa meeshan meesha dadka kugu xiran ay kaaga garan karaan dadka kale ee sameeya contents-ka) Haddaba si’aad u samaysid joogteyn sugan saddexdan arrimood fahan oo ku dabaq content-kaaga. 1 Tone, 2 Style, 3 Frequency.
  • Tone: Waa qaabka aad xogta usoo gudbisid, ama si kale waa dareemada ka dambeeya erayadaada, qaabka aad erayada u xulatid iyo hal abuurka aad farriintaada kusoo gudbisid. aan soo dhaweeyo fahanka. Tone-ka aad kusoo gudbin doontid xogtaada ama nuxurkaagu waa in uu la jaanqaado mowduuca aad markaa ka hadleysid, Tusaale: waxaad rabtaa in aad ka hadashid mowduuc ku saabsan safarrada waa in Tone-kaagu u noqdo mid friendly ah si baashaal ah oo xiiso leh aad u gudbisid nuxurkaaga, balse haddii aad ka hadlaysid arrin caafimaad ama mowduuc cilmiyeed, waa in tone-ka aad isticmaalaysid uu noqdo mid laga dareemayo masuuliyad iyo dhab ahaan. Haddii tone-kaaga iyo mowduucu aysan isku habbooneyn waxaad noqonaysaa sida adiga oo tacsi ka dhex qoslay. lol Cidna ma rabtoo sidaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

X